Terms & Conditions

Ku soo dhawoow Dantus Academy. Fadlan akhri shuruudaha iyo xeerarka hoose si aad u fahamto sida madashu u shaqeyso.

1. Xuquuqda Koorsooyinka

Dhamaan koorsooyinka, muuqaalada, casharrada, iyo agabka ku jira Dantus Academy waxaa iska leh maamulka website-ka. Ardaygu wuxuu xaq u leeyahay oo keliya inuu daawado casharrada koorsada uu iska diiwaangeliyey.

2. Soo Dejinta Casharrada

Koorsooyinka waxaa loogu talagalay in online looga daawado (Streaming Only). Lama ogola in la soo dejiyo ama dib loo qaybiyo muuqaalada casharrada.

Haddii koorsadu leedahay:

  • PDF

  • Slides

  • eBooks

  • Software
    waxaa loo ogol yahay ardayga inuu isticmaalo si waxbarasho uun ah.

3. Hal Account Hal Qof

Account kasta waxaa isticmaali kara hal qof oo keliya. Lama ogola:

  • in account-ka lala wadaago dadka kale

  • in meelo badan isku mar laga galo si sharci darro ah

Haddii lagu ogaado wadaagis ama isticmaal khaldan:

  • account-ka waa la xannibi karaa

  • ama waa laga saari karaa website-ka digniin la’aan

4. Isticmaalka Saxda ah

Ardaydu waa inay website-ka u isticmaalaan si wanaagsan oo sharci ah. Lama ogola:

  • nuqul ka sameynta casharrada

  • iibinta ama faafinta content-ka

  • isku day waxyeello website-ka

5. Lacag Bixinta

Lacag bixinta hadda waxaa lagu sameeyaa hab manual ah. Ardaygu wuxuu lacagta u diraa number-ka lacag bixinta kadibna wuxuu WhatsApp kusoo diraa screenshot-ka lacag bixinta si loo xaqiijiyo.

Access-ka koorsada waxaa la fasixi doonaa marka lacag bixinta la hubiyo.

6. Xiritaanka Account-ka

Maamulka Dantus Academy wuxuu xaq u leeyahay inuu xiro ama joojiyo account kasta oo jebiya shuruudaha website-ka.

7. Isbedelka Xeerarka

Waxaan xaq u leenahay inaan wax ka beddelno Terms & Conditions-ka waqti kasta si loo horumariyo adeegyada website-ka.

8. Nala Soo Xiriir

Haddii aad qabto su’aalo ama aad u baahan tahay caawimaad, fadlan nagala soo xiriir WhatsApp ama bogga Contact Us ee website-ka.